4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2018
Bankiyada ugu waaweyn Soomaaliya oo midoobey

 

Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL) – War-saxaafadeed ka soo baxay midowga Bankiyada Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in la mideeyay guud ahaanba Bankiyada oo la sameeyay hay’ad mideysa.

War-saxaafadeed :

Waxaa dib u habayn lagu sameeyay midowga bankiyada Soomaaliyeed oo ah hay’ad midaysa dhamaan Bankiyada dalka Somalia.

Dib u habaynta lagu sameeyay midowga ayaa taabanaysa xubnaha ka tirsan oo la balaariyay, shuruucdii iyo qawaaniintii hay’adda oo wax laga bedelay iyo hab-dhismedka maamul ee midowga oo isagana wax laga bedelay si uu ula jaan-qaado hab-maamulka casriga ah ee ku dhisan daah-furnaanta iyo isla xisaabtanka.

Ujeedooyinka iyo himilooyinka Midowga Bankiyada Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah:

Kor u qaadidda iyo horumarinta howlaha Bangiyada Soomaaliyeed si loo gaarsiiyo dad weynaha adeeg banki oo udub- dhexaad u noqon kara kobaca dhaqaale ee dalka iyo abuurista fursado shaqo si toos ah, iyo waliba si dadban intaba;

Xeerinta danaha guud ee mideeya Bangiyada iyo in loogu tartamo suuqa si hufan.

Xoojinta Aqoonta iyo wacyiga dadweynaha ee la xiriirta hab dhaqanka iyo Mucaamalaadka Bangiyada.

Midowga Bankiyada Soomaaliyeed waxa uu chaiman u doortay Mr. Abdulrazak Mohamed Ahmed, madaxa Howlaha ee Premier Bank muddo hal sano ah oo ka bilaabanaysa Febraayo 2018.

Midowga ayaa sidoo kale waxa uu dhawaan magacaabi doonaa hay’ad fulineed oo meel marisa qorshe sanandeedka midowga isla markaana qabata dhamaan shaqooyinkiisa maalinlaha ah.

Shirkaddaha Midowga Bankiyada Soomaaliyeed ayaa kala ah:

Amal Bank LTD, Dahabshil Bank International, International Bank of Somalia (IBS), Premier Bank LTD, Salaam Somali Bank,

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]