4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2018
Dagaal ciidamada dowladda iyo Al-shabaab ku dhaxmaray deegaanno ka tirsan gobolka Hiiraan

 

Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL)–Ciidamada dowladda iyo kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM oo wata gadiidka dagaalka ayaa subaxnimadii hore ee saakay ka anbabaxey magaalada Beledweyne,kuwaa oo ku wajahan degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan, iyaga oo sii maraya deegaannada ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Howlgalkan oo uu horkacayo guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeynte Cismaan ayaa noqonaya mid ka mid ah howlgaladii ugu adkaa oo ciidamada dowladda iyo AMISOM ka sameeyaan deegaannada ay ku xoogan yihiin Al-shabaab.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaal culus uu dhaxmaray ciidamada dowladda iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab oo isku dayay in ay is hortaagaan socdaalka iyo howlgalka ciidamada, waxaana wararku sheegayaan in dagaalka uu sababay khasaare ballaaran oo dhimasho iyo dhaawacba leh.

Saraakiisha ciidamada militariga gobolka Hiiraan ayaa sheegay in howlgalka yahay mid la doonayo in lagu furo jidadka ay xirteen Al-shabaab si go’doonka loo qaado magaalooyinka ay gacanta ku heyso dowladda gaar ahaan Buula-burte.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]