4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2018
Saylici oo ka hadlay kalsoonidda uu xisbiga WADDANI kala noqday Komishanka Doorashooyinka

 

Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL) – Madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici ayaa ka hadlay waraaqdii ay usoo gudbiyeen xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ee ay kalsoonidda kaga noqdeen Guddida doorashooyinka iyo aragtida uu arrintaasi u arko.

Saylici waxa uu sheegay in doorasho xor oo xalaal ahi ka dhacday Somaliland, waxaanu sheegay inuu aaminsan yahay in gobolka Awdal codadkii uu ka filayey aanu ka helin oo codadkiisa laga shubtay.

Madaxweyne ku xigeenku isagoo ka hadlaya waraaqda uu usoo gudbiyeeen xisbiga WADADNI ee ay kalsoonidda kala noqdeen Komishanka Doorashooyinka waxa uu yidhi “waraaqdu way na soo gaadhay anaguna xisbi ahaan lama qabno fikirkoodda (in Komishanka la kala diro), arrintaasi waanu ka arrinsan doonaa oo xisbi ahaan baanu ka shiri doonnaa, waana soo gudbin doonnaa waxaanu ka qabno arrintoodda ka xisbi ahaan.”

Mar wax laga waydiiyey in doorashaddu mad madow ka dhacday waxa uu yidhi “soomaalidu waxay ku maahmaahda wadar iyo waaxid keebaa waalan inay doorasho xor oo xalaal ahi ka dhacday waxa ka marag kacay dhamaan goobjoogayaashii caalamiga ahaa oo si wanaagsan aduunyada ugu sheegay siday u dhacday doorashaddii inay ahayd mid xalaal ah.”

Waxa kale oo uu farta ku fiicay in gobolka Awdal in isaga lagaga shubtay oo cidadkii uu ka filayey aanu helin.

“waxaanu aaminsanahay in si xalaal ah ku soo baxnay, hadii aan ka hadlo gobollka Awdal ee aan ka soo jeedo aan ka waramo in aniga la igag shubto mooyee wax aan kaga shubtay ma jirto”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Saddexda xisbiba waxay ku doodayaan in mid waliba codadkii uu filayey aanu helin, waxaanay mid waliba gaarkisia uga hadlay in codadkii uu rajaynayey aanay helin.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland