4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2018
Dowladda Congo oo ku eedeysay Qaramada Midoobey in ay sawir qaldan ka bixineyso

 

Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL) - Dowladda Congo ayaa ku eedeysan Qaramada Midoobey in ay sawir qaldan ka bixineyso dalka, sidoo kalana arintaa caqabad weyn ku noqon karto maalgashi lagu sameysto dalkaas.

Ku-simaha xilka ra'iisal wasaaraha dalka Congo Jose Makila ayaa sheegay in dalka uu wajahayo xaalad adag, balse jawaabta ay Qaramada Midoobay ka bixisay ay tahay mid niyad jabinaysa maalgashadayaasha.

“Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo way diiday in ay ka qaybgasho shirka Geneva ,” ayuu yiri Makila.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in aysan ka qaybgali doonin shirka deeq bixiyayaasha ee ka dhacaya magaaalada Geneva.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dad ka badan 13 Milyan oo reer Congo ah ay u baahan yihiin gargaar bina’aadanimo.

Waxaa ay Qaramada Midoobay qabanqaabisay kulan heer sare ah oo looga hadlayo xaaladda bina’aadanimo ee Jamhuuriyada. Dimuqraadiga ee Congo kaasi oo 13 bisha April ka dhici doona magaaladda Geneva.

Dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo ayaa Qani ku ah Macdanta iyo khayraad kale, balse waxaa dalkaasi ragaadiyay dagaalo,musuqmaasuq iyo xasarado siyaasadeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]