4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2018
Khilaaf ka taagan halka lagu qabanayo codeynta mooshinka guddoomiyaha Golaha Shacabka

 

Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL) -Waxaa sii xoogeysanaya doodda ka taagan halka ay ka dhaci doonto codeynta mooshinka ka dhanka ah guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Prof Maxamed Cismaan Jawaari oo aad moodo in ay siweyn ugu kala aragti duwan yihiin xildhibaannada iska soo horjeeda.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Jawaari ayaa ka hor yimid in codeynta mooshinka lagu qabto xarunta Baarlamaanka oo sida uu hadalka u dhigay xilagan aan u muuqan goob dhax-dhaxaad ah, isaga oo ku eedeeyay xukuumadda in ay xoog kula wareegay Amaanka xarunta lagana qaaday ciidamadii horay halkaa u joogay.

Aragtida guddoomiyaha Golaha Shacabka waxaa sidoo kale qaba xildhibaannada taageersan ee ka soo horjeeda mooshinka oo dalbanaya in leysla tago goob kale oo ka baxsan xarunta Golaha Shacabka si looga fogaado sida ay hadalka u dhigeen faragalin uga timaada dhinaca xukuumadda.

Laakiin dalabka guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo xildhibaannada la safan waxaa ka soo horjeestay dhinaca kale ee mooshinka kalsooni kala noqoshada ah ka keenay guddoomiyaha kuwaa oo ku adkeysanaya in codbixintu ku dhici doonto xarunta Golaha Shacabka.

Maalmihii ugu danbeeyay waxaa soo baxayay warar sheegaya in beesha caalamku aqbaleen dalab uga yimid guddoomiyaha Baarlamaanka oo codsaday in codeynta mooshinka isaga ka dhanka ah lagu qabto Teendhadii lagu doortay madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyadoo ay goob joog ka noqonayaan saraakiisha beesha caalamka iyo xubno ka socda Ururada Bulshada rayidka.

Ilaa iyo hadda waqti rasmi ah looma qaban xiliga  ay dhaceyso codeynta, laakiin sida ku qoran xeer hoosaadka waa in muddo 10 cisho ah lagu soo gabagabeeyo oo ka bilaabaneysa waqtiga la gudbiyay mooshinka.

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ayaa dhawaan baaq u diray xildhibaannada dibada ku maqan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u soo galaan, taasoo macnaheedu noqonayo in dhinac walba uu raadinayo codad ku filan.

In kalsoonida lagala noqdo guddoomiye Jawaari ayaa u baahan codad gaaraya 184, taasoo dad badanni shaki ka muujinayaan sida mar kaliya loo wada heli karo, madaama ay adag tahay in tiro intaa la ego dhinac kaliya isku wada raacaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]