4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2018
Dowladda Soomaaliya oo hambalyeeysay Ururka Jaamacada Carabta

 

Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL) - War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo loogu diray Xog-hayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.

War-ka ayaa u dhignaa sidan :

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu hambalyeyneysaa Xogheynta guud ee Ururka Jaamacadda Carabta munaasabadda sanadguurada 73,aad ee aas’aaska ururka oo ku beegneyd March 22, 1945.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Jaamacadda Carabta garabjoogga milgaha leh ee uu ay u muujisay shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddiisa intii ay jirtay masiibooyinka dabiiciga, dhibaatooyinka iyo falalka xun ee argagaxisadu geystaan.

Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, kuna biirtay February 14, 1974 waxaa loo eegaa in ay tahay ilinka istiraatiijiyadda ammaan ee dunida carbeed sababo ku aaddan bedka Juquraafi ee ay ku fadhido iyo lahaanshaheeda xeebta ugu dheer Afrika ayaa waxaa ay ugu baaqeysaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah ururka in ay dib uga furtaan safaaradahooda iyo ergadooda diblomaasiyadeed caasimadda Muqdisho si loo taageero dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo ammaanka iyo deganaanshaha, si wadajir ahna looga shaqeynayo ka hortagidda caqabadaha iyo culeysyada si loogu guuleysto waajibaadka, qorshayaasha iyo mashaariicda hiigsiga leh.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]