4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 24, 2018
Aqalka sare oo maanta guddi u saaraya weerarkii lagu qaaday Guriga Cabdiqeybdiid

 

Sabti, Maarso, 24, 2018 (HOL)-Kulan maanta xaruntooda magaalada Muqdisho ay ku yeelanayaan xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay guddi u saaraan kiiska weerarkii lagu qaaday horaantii sanadkan Guriga Sanator Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid

Guddigaan ayaa soo baari doono weerarkii lagu qaaday Guriga Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, iyadoo fadhigii kan ka horeeyay looga dooday weerarka iyo sida uu u dhacay.

Xildhibaanno ka tirsan Aqalka Sare ayaa waxaa ay sheegeen in guddigaan loo saarayo baaristan muddo gaaban kaddib dib ugu soo celin doonaan golaha natiijada baaristooda.

Senetaradda Aqalka Sare ayaa horay u ansixiyay in guddi loo saaro kiiska, kaddib markii uu ka biyo diiday Cabdi Qeybdiid guddi uu horay arintan ugu saaray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Weerarkan ayaa dhacay 30kii bishii December ee sanadkii ina dhaafay 2017 wax yar uu kaddib markii sidoo kale ciidamo ka tirsan dowladda weerar ku qaadeen guriga uu Muqdisho ka degan yahay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]