Madaxweyne Farmaajo oo dib u dhigay safar uu maanta ugu anbabixi lahaa dalka Qatar
Axad, Maarso, 18, 2018 (HOL) –Madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dib u dhigay safar uu
maanta ugu anbabixi lahaa dalka Qatar sida ay inoo sheegeen xubno siweyn ugu
dhaw dhaw xafiiska madaxweynaha.
Saacadihii ugu danbeeyay xarunta
madaxtooyada waxaa ka soconayay qaban-qaabada safarka madaxweynaha, hasse
ahaatee markii danbe ayuu goostay in uu dib u dhigo socdaalkiisa, sababo la
xiriira khilaafka xooggan ee ka dhax aloosan Golaha Shacabka iyo Xukuumadda .
Madaxweynuhu ilaa iyo hadda kama
uusan hadal mowqifkiisa khilaafka labada dhinac, balse waxaa jira cadaadis lagu
saarayo in uu soo fara-galiyo arintan oo u muuqda mid siyaasadeed.
Xildhibaannada ka soo horjeeda
Mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari ayaa ku dhaliilaya madaxweynaha in uu
sheeda kore uun ka daawanayo waxa dhacaya, taa badalkeedana looga baahan yahay in uu
qaato doorkiisii mas’uuliyadeed ee looga baahnaa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tan
iyo markii uu soo shaac baxay khilaafka Hey’addaha Sharci dejinta iyo Fulinta
hoy iyo xafiis u aheyd Xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, halkaasoo howl
maalmeedkiisa shaqo u wareejiyay.
Khilaafkan ayaa xitaa saameyn
adag ku yeeshay howlihii dowladda, iyadoo aad moodo in mashquul lagu wada yahay
kulamo iyo shirar iska soo horjeeda oo ay qeyb ka yihiin xubnaha ku jira labada
golle ee dowladda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]