Sabti, June, 30, 2018 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta
xafiiskiisa ku qaabilay xubno kamid ah dalladaha ururrada naafada kuwaas oo
kaalin mug leh ka geystay u ololeynta xuquuqda dadka naafada ah.
Madaxweynaha ayaa sheegay in hirgelinta Hindise
Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Qaran ee Naafada oo ay dhawaan ansixiyeen Golaha
Wasiirrada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uu xaqiijinayo qorsheyaasha lagu
horumarinayo naafada Soomaaliyeed iyo xuquuqaha dastuuriga ah ee ay leeyihiin.
Madaxweynaha ayaa faray Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare
in ay kaalintooda sharci ka qaataan hawshan, isagoona ku adkeeyey in ay dadaal
badan geliyaan meel marintiisa.
Madaxweynaha ayaa yiri; “Waa waajib ina wada saaran
dhammaanteen inaan dhaqaaleysanno dadkeenna naafada ah oo aan ka shaqeyno
caafimaadkooda iyo waxbarashadooda, waana qeyb ka mid ah masuuliyadda gaarka ah
ee ay noo wakiisheen shacabka Soomaaliyeed.”
“Waxaa xaqiiq ah in falalka gurrucan ee argagixisada
Alshabaab ay ku dhibaateeyeen shacabka ay kordhisay tirada dadka Soomaaliyeed
ee naafoobay,Waxaan ka shaqeynaynaa in aan gacanna ku ciribtirno argagixisada,
gacanta kalena aan ku daryeelno dadkeenna ay naafeeyeen.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku
bogaadiyey Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasaaradda Shaqaalaha iyo
Arrimaha Bulshada, dalladaha ay ku midaysanyihiin naafada iyo khubarada
Soomaaliyeed ee ka soo shaqeeyey diyaarinta hindise sharciyeedkan, dadaalka ay
ku bixinayaan sidii loo aasaasi lahaa hay’ad qaran oo ka shaqeysa horumarinta
dadka naafada ah.
Xubnaha uu la kulmay Madaxweynaha ayaa waxaa
hoggaaminayey Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka Xukuumadda Federaalka
Soomaaliya Marwo Deeqo Yaasiin Xaaji, u qaabilsanaha Xafiiska Madaxweynaha ee
Arrimaha Naafada Mudane Cabdirixmaan Faarax Luunge iyo xubno ka tirsan
dalladaha naafada.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]