Khamiis,
June, 28, 2018 (HOL)– Jabhadda ONLF ayaa shirweyne uga furmay magaalada Asmara
ee dalka Eritrea, iyadoo shirweynaha socda looga hadlayo xaaladihii u dambeeyay
ee ku soo kordhay Itoobiya iyo is bedeladii dhacay.
Afhayeenka ONLF C/qaadir Hirmooge ayaa sheegay in
shirweynahan uu yahay kii saddexaad oo ay ka qeyb galayana boqolaal ruux, islamarkaana lagu falanqeynayo istiraatiijiyada ururka, in is bedel lagu sameeyo
hoggaanka ururka iyo arrimo kala duwan
Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ay soo dhoweynayaan is
bedelada ka dhacay Itoobiya, isagoo xusay in ay weli dhowrayaan in is bedeladaas
ay noqdaan kuwo aas-aasi ah.
“Is bedelada ka dhacay Itoobiya waa soo dhoweyneynaa,
waxanse weli dhowreynaa in is bedeladaas ay aas aasi noqdaan, wax-yaabaha waa
weyn ee Itoobiya isku khilaafsan tahay, ka Soomaali ahaan inay is bedelada
taabtaan ayaa rajeyneynaa, anaga diyaar baan u nahay dowladda Itoobiya in wada
hadal la galno, horayna wada hadal baan kula jirnay”ayuu yiri Afhayeenka
Jabhadda ONLF.
Hirmooge ayaa sheegay in aysan jirin farriimo toos ah oo ay
Itoobiya ka helaan, balse ay jiraan farriimo dadban iyo kuwa saxaafada la
mariyay oo ku saabsanaa arrimaha nabadgelyada, balse wada hadalada ay soo
dhoweynayana, isla markaana dhanka Itoobiya ay jirto wixii arrimahaas sahlaya.
Is bedeladii u dambeeyay ee ka dhacay Itoobiya ayaa keentay
in weji cusub ay gasho xaalada Itoobiya, kaddib markii la sii daayay boqolaal
maxaabiis u xirnaa arrmo siyaasadeed, isla markaana Ra’iisul wasaaraha Itoobiya
Abiy Ahmed uu la soo baxay siyaasad furfuran oo uu wax badan kaga bedelay hab
dhaqankii Itoobiya lagu yaqiin labaatankii sano ee la soo dhaafay.