Tartankii Quraanka ee Imaam al Shatibi ee Minneapolis ka socday oola soo gabagabeeyey Sawiro.
Isniin Luuliyo 16 2018 (HOL)Tartankii Quraanka Kariimka ee
Imam Shatiba ee ka socday Masjidka Karmel ayaa la soo gabagabeeyey tartankaan
oo soo bilowday bishaan July 7 mar kay aheed ,waxaana ka qaybgalay in ka badan
350 Arday oo kula tartamaayey 1 Juz ,5 Juz
,10 Juz ,15 Juz iyo quraanka oo dhan ,ardayda ku tartamaysay Quraanka Kariinka
ayaa kala yimi goboladda kala duwan ee dalkaan Maraykanka,mana ahayn mid ay ka
soo qaybgaleen Somali kaliya waxaana ka mid ahaa arday kale oo ka soo jeeday dalalka carabta &
Bakistaan.
Tartankaan Imaam Shatiba ee lagu qabto Masjidka Karmel
sanadkaan waa kii 4aad ee la qabtay ,waxaana sanadkaan 30 juz ku guulaystay
Omar Mohamed Shariif oo ka yimi gobolka Tennessee Masjidka Al Faruuq ,iyadoo waliba kaalimaha 2aad iyo 3aad na
sanadkaan ay heleen isla arday ka timi magaaladaas oo kala ah Cadnaan Busuri
Maye & Cabdiqani Mustafe Maye ,waxayna dhamaantood helayaan abaalmarino
lacageed ooka bilowda 10 Kun oo dollar iyo abaalmarin kale oo ah Cumro ay
tagayaan Sanadkaan.
Sanadkaan waxaa lagu soo kordhiyey tartanka qayb kale oo ah
Cod wanaaga ama Sowdka sida quraanka loogu akhrinayo waxaana sanadkaan kaalinta
kowaad gashay gabadha lagu magacaabo farxiya Aadan Shiikh, halka kaalinta 2aad uu mar kale galay Cadnaan
Busuri Maye, Kaalinta 3aad na waxaa galay Anas Burhaan Max’ed oo walaalkii
sanadkaan ku soo guulaystay tartankii quraanka ee imaaraadka ka dhacay.
Hiiraan online waxay halkaan uga hanbalyeeynaysaa Ardayda ku
guulaystay kaalimaha kala duwan ee tartanka & maamulka Masaajidka Karmel
hawsha baaxada leh ee uu qabtay ardayda
muslimiinta ah.
Siyad Said Salah
Hiiraan Online
Siyad S. Salah