Axad, July, 15, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya
ayaa War ka soo saartay weerarkii iyo Qaraxyadii shalay Al-Shabaab ay ku
qaadeen Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya.
War ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu
sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay si weyn u cambaaraynayso weerarkaasi.
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska,Daahir
Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay ka
hortaggeen Weerarkaasi.
“Ciidamada Amniga Qaranka, waxaa ay ku ammaanan yihiin sidii ay uga
hortageen weerarka, oo ka koobnaa mid toos ah iyo laba Qarax” ayuu yiri Wasiir
Daahir.
Wasiirku, wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay xil weyn iska saarayso
daweynta dadka rayidka ah iyo ciidamada ku dhaawacmay, iyadoo uu tacsi u diray
dhamaan intii ku geeriyootay.
Al-Shabaab ayaa Laba Qarax iyo Weerar toos ah shalay ku qaaday
Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda oo ku taalla
Waddada gasha madaxtooyada ee ka timaada Isgoyska Ceel Gaabta.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]