Sabti, July, 14, 2018 (HOL) –Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi
Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada Brussels
ee dalka Belgium.
Madaxweynaha ayaa ka qeyb-qaadan doona guddoominta shirka horumarinta
Soomaaliya oo ka dhici doona magaalada Brussels 16 -17 bishan Luuliyo.
Shirkan ayaa daba socda shirarkii horey uga dhacay London iyo Muqdisho oo
lagu falanqeeyey amniga, siyaasadda, doorashooyinka, dhaqaalaha, arrimaha
gargaarka iyo horumarinta guud ee dalka, iyadoona Dowladda Federaalka
Soomaaliya ay ku soo bandhigi doonto arrimihii ka qabsoomay shaqooyinkii horey
loo qorsheeyey iyo dejinta qorshayaasha mustaqbal.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed
Guuleed oo ka warbixiyay safarka wafdiga Madaxweynaha ayaa yiri “Qeybta labaad
ee shirkan waxaan kaga hadli doonnaa, wixii ka qabsoomay qorshaha amniga
qaranka ee lagaga hadlay shirarkii hore iyo guulaha laga gaaray, bixitaanka
ciidamada Amisom ee waqtiyeysan, horumarka laga gaarey dhaqaalaha, haddii ay
noqoto deyn-cafiska oo aan hormar ka gaarnay, dakhli-ururintii iyo
miisaaniyaddii oo wax badan laga qabtay.”
“Qeybta saddexaad waxa lagaga hadli doonaa siyaasadda loo dhan yahay ee ku
aaddan heshiiskii kheyraadka dabiiciga ah iyo sida loo qeybsanayo, nidaamka
doorashooyinka, dib-u-habeyn lagu sameeyay dastuurkii oo haddana socda,
iyadoona shantii cutub ee u horreeyay Golaha Wasiirrada lagu soo bandhigay
Khamiistii la soo dhaafay, xeerkii doorashooyinka iyo nidaamkii doorashooyinka
oo la isla qaatay, sidoo kale waxaa hormar laga gaaray shuruucdii
doorashooyinka 2020, xoojinta dadaallada wax lagaga qabanayo dhibaatooyinka ka
dhasha abaaraha iyo fatahaadaha. Qodobbadaas ayaa ugu muhiimsan ajandeyaasha
lagu soo bandhigi doono shirka Brussels.”
Inta uu socdo shirkan Brussels waxaa sidoo kale jiri doona saddex
shir-doceed oo lagaga hadli doono maalgashiga, Barakacayaasha iyo kaalinta
haweenku ay ku leeyihiin dib-u-dhiska dalka, iyadoona ay ka soo qeyb-gali
doonaan dhammaan dhinacyada ka shaqeeya hawlahan sida ganacsatada Soomaaliyeed,
maalgashato caalami ah, hey’ado iyo xubno ka tirsan bulshada rayidka ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]