Madaxweyne Farmaajo oo soo dhaweeyay heshiiska ay gaareen dhinacyada Galmudug isku khilaafsanaa
Jimco, July, 13, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay is-fahamka ay gaareen
Mas’uuliyiinta maamulka Galmudug oo maalmahan u joogay magaalada Muqdisho xal u
helida khilaafaadka siyaasadeed ee ka dhex jiray.
War saxaafadeed la soo baxay Madaxtooyada Villa
Soomaaliya ayaa lagu soo dhoweeyay heshiiska ay gaareen Madaxda Galmudug.
“Kaddib wada-tashiyo aan la yeeshay dhinacyada ay
khuseyso dib-u-heshiisiinta Galmudug, waxaan xalay ka gaarnay natiijo wax ku
ool ah oo u adeegeeysa danta guud, taas oo ku timid isu-tanaasul iyo
is-qancin”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.
“Waxaan uga mahadcelinayaa dhammaan madaxda
Galmudug sida xilkasnimada leh ee ay u soo dhaweeyeen qorshihii aanu hordhignay
kaas oo uu aasaas u yahay dhaqan-gelinta heshiiskii ka koobnaa 14ka qodob ee ay
kula saxiixdeen Villa Soomaaliya 6dii Diseembar, 2017.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay ahmiyadda ay leedahay
in madaxda Galmudug ay wax walba ka hormariyaan danta guud, ayna muujiyaan
masuuliyad dheeri ah si loo dardargeliyo dib u heshiisiinta Galmudug, shacabkana
loo gaarsiiyo adeegyada aasaasiga ah.
Madaxda Galmudug ee ka qeyb gashay wada
hadalladan ayaa soo dhaweeyay tubta ay u jeexday Dowladda Federaalka Soomaaliya
ee lagu soo afjarayo khilaafaadka siyaasadeed ee bilihii u dambeeyay taagnaa,
waxaana la isla meel dhigay in hawsha lagu dhammeystiro magaalada Dhuusamareeb.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]