4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 12, 2018
Maamulka Hirshbeelle oo codsaday in la soo xiro dadkii ka danbeeyay kufsiga haweeney 85 jir ah

 

Khamiis, July, 12, 2018 (HOL) – Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa shalay gelinkii dambe dib ugu laabtay magaalada Jowhar kadib markii toddobaadyadii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa amar ku bixiyay in ciidamada booliska ay gacanta ku soo dhigaan isla markaana sharciga horkeenaan dadkii ka dambeeyay fal kufsi ah oo loogu geystey mid kamid ah xeryaha barakacayaasha magaalada Jowhar haweeney 85 sano jir ah.

“Waxaan u ballanqaadayaa abaalmarin wanaagsan ciddii gacan ka geysata sidii loo soo heli lahaa dadkii ka dambeeyay falka kufsiga ah oo aan hore loogaga baran gobolka Shabeellaha Dhexe.” Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Saraakiisha Booliiska maamulka Hirshabeelle ayaa dhwaan soo bandhigay Saddex nin oo la tuhunsan yahay in ay wax ka ogaayeen falka kufsiga ah, balse cadeymo rasmi ah laguma hayo.

Falkan Kufisiga ah ee ka dhacay Jowhar ayaa lagu sheegay in uu ahaa kii ugu foosha xumaa ee ka careysiiyay dad badan marka la eego da’da haweeneyda falkan uu ku dhacay oo hadda ku jirta Isbitaalka Jowhar.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]