Arbaco, July, 11. 2018 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa ku raadjooga
darawalkii watay gaari yar oo kuwa raaxada ah oo Labo Carruur ah ku dilay
subaxnimadii hore ee saakay degmada Waabari ee gobolka Banaadir.
Wararka ay heshay Hiiraan Online ayaa sheegaya in
Gaarigan oo ay la socdeen Afar ruux uu Caruurtan ku jiiray wadada UNICEF ee u
dhaxeysa Suuqa Beerta iyo Buundada qeybta degmada Waabari ee gobolka Banaadir.
Dad ku sugnaa agagaarka uu falkan ka dhacay ayaa
sheegay in gaariga caruurtan dilay uu ka yimid dhinaca Ceel-Gaabta markii uu
marayayna aagga UNICEF uu marqura caruurtan oo taagnaa waddada dhinaceeda ku
jiiray.
Carruurtan oo da’dooda lagu kala sheegay 14 iyo 9
jir ayaa waqtigaa ku sii jeeday dugsi Qur’aan.
Saraakiisha Booliiska oo tagay goobta uu shilka
ka dhacaya ayaa warbaahinta u sheegay in guud ahaan tirada dadka gaariga la
socdy gaarayeen ilaa Afar ruux oo Labo ay Dumar ahaayeen, waxaana goobta ka
baxsaday Darwalkii gaariga Waday hasse ahaatee waxaa ay Booliisku qabteen
dadkii kale ee la socday.
Baaritaan ay sameeyeen ayeey sheegeen Booliisku
in ay ogaadeen in dadka gaariga saarnaa ay isticmaaleen maandooriye, taasoo
keentay in uu shilkan dhaco.
Shilkan ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku
dhaawacmeen labo kale oo Carruur ah.
C/raxmaan
Diini, Hiiraan Online
[email protected]