Axad, July, 01, 2018 (HOL) - Ku xigeenka Ergayga
Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Peter De Clerk ayaa sheegay in
khilaafka ka taagan degaanka Tukaraq darteed ay u barakaceen dad ka badan 12
Kun oo qof.
Mr. De Clerk ayaa ugu baaqay labada dhinac ee
isku horfadhiya deegaankaasi in ay ka fogaadaan gacan ka hadalka, taasoo buu
yiri keeni karta qalalaase bani’aadanimo oo laga baaqsan karo.
“Ugu horeyn gobolada Sool iyo Sanaag waa meelo ay
ka jiraan xaalado bani’aadanimo, sidaasi darteed wali waxaa ay ka mid yihiin
meelaha ay colaadaha ka jiraan, khilaafkan waxaa ka dhashay inay ku barakacaan
12 Kun oo qof, kuwaasi oo ay Hay’adaha gargaarka ay daryeelayaan, waxan ugu
baaqayaa dhinacyada inay aysan colaad kale hurin, sababtoo ah taasi waxay
abuureysaa qalalaase kale” ayuu yiri Peter De Clerk.
Sidoo kale Ku xigeenka Ergayga Xoghayaha Guud
Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dad dhawr ah ay ku
dhinteen kuna barakaceen colaada haatan taagan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin
rayid.
“Xaalada haatan way kacsan tahay waxaana
fahamsanahay inay sii kordhayaan tirada ciidanka ku sugan deegaankaasi, waxaa
jirtay in rasaas la is weedaarsaday isbuucyadii la soo dhaafay, laakiin
khilaafka weyn ee aan ka casbi qabno weli ma dhicin, waxaana colaada ka dhalan
karta xaalad halis ah” ayuu markale yiri Mr. De Clerk oo la hadlay VOA-da.
Wuxuu kaloo sheegay Sarkaalkan in ay telefoonka
kula hadleen Madaxda labada maamul, isaga oo tilmaamay in dadaalkooda halkaasi
uusan ku ekeyn balse Hargeysa iyo Garowe uu u tagay sidii loo sii wadi lahaa xabad
joojinta, inkastoo xabad joojinta aysan aheyn mid rasmi ah.
Dalal iyo hey’ado kala duwan ayaa horey baaqyo
nabadeed ugu diray Somaliland iyo Puntland, waxaana ka mid ah UN, African
Union, European Union, (IGAD), Belgium, Denmark, Ethiopia, Finland, Germany,
Ireland, Italy, the Netherlands, Norway, Sweden, Turkey, the United Kingdom iyo
the United States.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]