Axad, July , 01, 2018 (HOL) – Magaalada Muqdisho
waxaa ka soconaya dibadbaxyo la xiriira maaalmaha xoriyada, gaar ahaan
dabaal-dega munaasabada 1da Luulyo.
Waxaa saaka xiran wadooyinka waa weyn ee
magaalada Muqdisho, kadib markii wadooyinka lagu soo daadiyay ciidamo badan oo
wata gaadiidka dagaalka, kuwaasi oo ammaanka sugaya.
Jidadka muhiimka ah ee magaalada ayaa keliya
saaka waxaa isticmaalaya gaadiidka ay wataan mas’uuliyiinta dowladda iyo gaadiidka
dagaalka ee ciidamada dowladda ay wataan.
Ciidamada Ammaanka ayaa xalay xiran wadooyinka, waxaana
inta badan Isgoysyadda Muqdisho lagu diyaariyay Basas waa-weyn oo loogu tala
galay in ay qaadaan dadka ku jira xaaladdaha degdega ah.
Maamulada qaar ka tirsan Iskuulada iyo
Jaamacadaha ku yaalla Muqdisho ayaa shalay ku sii wargeliyay Ardayda in Axadda
ay fasax yihiin goobaha waxbrashada, waxaana maanta xiran qaar ka tirsan
goobaha waxbrashada.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]