4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 6 , 2018
Wasiirka Waxbarshada Soomaaliya oo booqday Madbacadda Buugaagta Magaalada Qaahira

 

Khamiis, December, 06, 2018 (HOL) -Wasiirka waxbarashada Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre, oo booqasho ku jooga Dalka Masar, ayaa tagay Madbacadda Buugaagta Magaalada Qaahira, isagoo halkaasi kula kulmay Madaxa Madbacadda Nahdet Misr, Daila Maxamed Ibraahim. 

Wasiir  Goodax, ayaa Madaxa Madbacadda Masar kala hadlay, sidii loo  horumarin lahaa tayada waxbarashada Dalka , taasoo ay ugu horreyso soo  saarista  Buugaagta Manhajka oo ku qoran Afka Soomaaliga.

“Waxaan ka wada hadalnay horumarinta waxbarashada dalka oo ay ugu horeyso soo saarista  Buugaagta Manhajka oo ku qoran Afka Soomaaliga”, ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay inay ka Wasaarad  ahaan mar walba u  heellan yihiin sidii kor loogu qaadi  lahaa waxbarashada dalka,  islamarkaana loo kordhin lahaa xirfadda dhalinyarada Soomaaliyeed.

Wasiirka waxbarashada Soomaaliya, C/llaahi  Goodax Barre, ayaa intii  uu halkaasi joogay waxa uu la kulmay Wasiirka waxbarashada Masar,  Wasiirka Tacliinta sare ee Masar iyo Xoghayaha Jaamacadda Carabta,  iyagoo ka wada hadlay sidii loo tayayn lahaa waxbarshada Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]