ICG oo warbixin xasaasi ah ka soo saartay doorashadii Lafta-Gareen iyo fursadihii uu hellay
Talaado, December, 25, 2018 (HOL)- Warbixintan oo aheyd mid
lagu iftiimiyay fursadihii uu xalay madxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen iyo
xariggii Mukhtaar Rooboow ayaa lagu sheegay in doorashadii 19kii bishan dhacday
aheyd mid ay lug weyn ku laheyd dowladda Federaalka .
Akhriso Warbixinta :
Warbixintan
ayaa qoraalkeeda lagu bilaabay in 19kii December ay xildhibaano daalan ee
Maamulka KoofurGalbeed u doorteen Cabdicasis Maxamed Laftagareen madaxweyne
codeyn khilaaf badan uu hareeyay taasoo sal u noqon karta amni darro cusub.
ICG ayaa aaminsan in uusan
Laftagareen uusan doorashadan ku guuleysan lahayn haddii uusan ka heli lahayn
kaalmo dowlada federalka,kadib markii ay ugaga faa’ideysay in ay xabsiga dhigto
musharaxii la tartami lahaa Muqtaar Roobow oo hore ugaga mid ahaa madaxda
Al-Shabaab isla maraana ciidamo Itoobiyaan ah dhigtey deegaanada ay is lahayd
dowladu inuu kacdoon ka bilaaban karo.
“Halista ay farogelinta dowlada
federalka ku sameysay doorashada Koofurgalbed waa wajiyo badan tahay iyadoo
xirtey Roobow,Laftagareena ka dhigtey Madaxweyne taasoo ah mid dhinac ah marka
la fiiriyo awood qeybsiga inkastoo labada ninba ay ka soo wadajeedaan Beesha
Raxanweyn, hase yeeshee Roobow ayaa ka soo jeeda beel weyn oo saameyn weyn
leh.”ayaa lagu yiri warbixintan.
Sidoo kale warbixinta ayaa taabatay
dowlada Itoobiya waxaana lagu sheegay in Dowlada Federalka ay abuurtay
dareen naceyb ah oo loo qabo dowlada Itoobiya maadaama ay ku gacan siisay dowlada.
Sidoo kale warbixinta ayaa lagu
xusay in xariga Muqtaar Roobow uu sababi karo in hogaamiyaasha Alshabaab aysan
ku soo dhiiran inay dagaalka joojiyaan maadaama uu xabsi u dambeynayo.
“Mukhtaar Roobow oo la rumeysan
yahay inuu 50-jir yahay ayaa waxa uu ka soo jeedaa gobolka Bakool isagoo ka
dhashay beesha Leesaan waxa uu ka mid yahay Islaamiyiinta caanka ah
ee Sharciga Islaamka ku soo bartay dalka Sudan, waana Khabiir ka soo qeyb
galay Dagaalki Afganistan ee looga soo horjeeday Ciidankii Midowgii Soofiyeeti,
wuxuuna markii dambe waqti kooban maamulayey Hay’ad Samafal Islaami ah oo ay
Sacuudiga maalgelin jirtey.”ayaa lagu yiri warbixinta.
Warbixintan ayaa loogaga hadlay
halgankii uu soo maray Muqtaar Roobow iyadoo lagu xusay in uu diiday amaro uu
siiyay hogaamiyihii hore ee Al-Shabaab Godane ee ahaa markii la qabsanayay
magaalada Baydhabo inuu laayo dhamaan siyaasiyiinta balse Muqtaar Roobow wuu
diiday oo waxa uu waddo ay ku baxsadaan siiyay siyaasiyiinta ay isku beesha ka
soo jeedeen.
“Waa ay cadeyd in Dowlada Federalka
aysan marnaba qorshaheedu ahayn in Roobow uu door ku yeesho siyaasada
Soomaaliya,waxay ku dhiirigelisay inuu tartanka doorashada ka qeybgalo
dhamaadkii sanadkii hore balse waxay dooneysay inay ku baabi’iso mustaqbalka
Madaxweynihii hore ee Koofurgalbeed Sharif Hassan Sheekh Aadan.”ayaa warbixinta
ay daabacday hay’ada ICG ka mid ahayd.
Hay’ada ICG ayaa qoraalkeedii waxa
ay ku sheegtay in Shariif Xasan uu isku casilay markii uu dareemay
culeyska badan,waxaana la rumeysnaa in uu Roobow ku guuleysanayo doorashada,
balse markii uu tegey Shariif Xasan ayay dowlada Federalka jeebka dambe kala
soo baxday musharax kale oo ciyaartay shax horleh.
ICG ayaa aaminsan in fursad ay ahayd
in Muqtaar Roobow uu noqdo Madaxweyne taasoo gacan ka geysan kartay in
dagaalamayaasha ku jira Alshabaab uu ka dhaadhiciyo inay hubka dhigaan oo ay ku
soo biiraan dowlada, balse hadda ay furantay albaab kale oo ah in dadka
taageersan Roobow inay dib duurka u galaan oo ay halgankoodii dib u bilaabaan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]