4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2018
Guddiga Joogtada Aqalka Sare ee Baarlamanka Federalka oo Kulan Muqdisho ku Yeeshay

 

Talaado, December, 25, 2018 (HOL)- Guddiga joogtada ah ee Aqalka Sare ee baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliyeed ayaa kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Muqdisho, gudiga ayaa war bixin ku aadan safaradii gudoomiyaha aqalka sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi ee Magaalada Kismayo iyo talka Turkiga oo looga hadlaayay arinta falastiin kulan kaasoo ay ka soo qeyb galeen wufuud ka kala socotay ilaa 70 dal.

Kulanka maanta waxaa shir gudoominaayay, gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi.

Waxaa kalo kulanka looga hadlay ansixinta hadal qoraalkii fadhigii 10aad ee guddiga joogtada ah, iyo , diyaarinta ajendaha kulanka 13aad ee golaha aqalka sare.

Kulanku markuu dhamaaday waxa saxaafada la hadlay habdhowraha Aqalka Sare Senator Cabdikafi Macalin Xassan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]