4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Dec 25, 2018
Maamulka Gobolka Banaadir oo shaqo joojin ku sameeyay guddoomiye degmo

 

Talaado, December, 25, 2018 (HOL) – Qoraal ka soo baxay Xafiiska guddoomiye ku-xigeenka Maaliyada maamulka gobolka Banaadir ayaa shaqada looga joojiyay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xassan Geedoow.

Shaqo joojinta guddoomiyaha degmada ayaa loo cuskaday wax is daba-marin iyo musuq maasuq uu dalka dibedda uga maqan yahay guddoomiyaha shaqo joojinta lagu sameeyay.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in shaqada maamulka degmada uu sii wadi doono ku-xigeenka guddoomiyaha degmada ee dhinaca arrimaha bulshada.

Dhawaan ayay aheyd markii Guddoomiye ku-xigeenka Maaliyadda gobolka Banaadir ayaa waxaa uu shaqo joojin uu ku sameeyay guddoomiyihii degmada Xamar Weyne Cumar Shariif Jeeg, kadib markii lagu eedeeyay musuq maasuq.

Ma jiro wali wax war ah oo ka soo baxay dhinaca guddoomiyaha eedeynta loo jeediyay ee degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xassan Geedoow.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]