Isniin, December, 17, 2018 (HOL)- Howlgal ay iska
kaashadeen ciidamada Qaranka iyo kuwa Mareykanka oo ka dhacay gobolka
Shabeellaha hoose ayaa lagu dilay 25-ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Howlgalkan oo dhacay 16-ka bishan December lagana
fuliyay nawaaxiga deegaanka Gandershe ayaa lagu beegsaday xero ay degenaayeen Al-Shabaab,
halkaas oo ay sida la sheegay ku diyaarin jireen weerarrada dhanka ah ciidamada
dowladda iyo kuwa AMISOM.
“Dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga
ah waxaa ka go’an in ay sii wadaan Dagaalka lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab oo
Ku taagaan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka.
Sidoo kale Milateriga Mareykanka ayaa sheegay in
ay duqeymo ay u adeegsadeen diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drones-ka ay ku
dileyn xubno ka tirsan Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya.
War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada
Mareykanka ee Afrika ee marka lasoo gaabiyo magacooda loo yaqaano AFRICOM ayaa
lagu sheegay in Sideed xubnood oo ka tirsan Shabaab lagu dilay duqeyn ay ka
fuliyeen Shalay meel ku dhaw deegaanka Gendershe ee Gobolka Shabeelada Hoose
Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in duqeymahaasi aynan ku
waxyeeloobin dad shacab ah, oo ay kaliya ku beegsadeyn xubnahaasi shabaab ka
tirsanaa oo ay xogtooda heleyn, balse ma jiraan illo ka madax banaan oo
xaqiijinaya sheegashadooda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]