4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2018
Qarax dhimasho sababay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Arbaco, April, 04, 2018 (HOL) – Warar naga soo gaaraya Isgoyska Sanca ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in uu halkaa goor dhaw oo caawa ah ka dhacay Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxan uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ah oo lala beegsaday Gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.

Ugu yaraan saddex ruux ayaa qaraxan ku geeriyooday halka ku dhowaad 10 kale ay ku dhaawacmeen kuwaasoo loo qaaday Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Ciidamada ammaanka ayaa waxa ay gaareen goobta uu qaraxa ka dhacay, waxayna xireen wadada, iyagoo halkaasi caawa ka wada baaritaano.

Xalay ayay aheyd markii guddoomiye ku-xigeenka dhinaca ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir Qarax Miino lagula eegtay meel ku dhow Isgoyska Dan-wadaagta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]