4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 4 , 2018
Dagaal beeleed dib uga cusboonaaday galbeedka Gobolka Sanaag

Arbaco, April, 04, 2018 (HOL) – Hal qof ayaa dhintay shan kalena waa ku dhaawacmeen degaanka Fadhi-gaab oo u dhexaysa Ceel-afweyn iyo Gar-adag oo dhaca galbeedka gobolka Sanaag, kadib markii dabley beeleed iskaga horyimaadeen.

Dagaalkan oo ay bilaabeen dabley rasaas ku furtay dad meel maqaaxi ah ku sugan, taas oo albaabka u furtay colaad mudo soo taagnayd oo dhowaanta la sheegay in la soo afjaray.

"Waxaa ku dhaawacmay shan qof, midna waa ku dhintay dagaal dabley laba beelood u dhexeeya oo ka dhacay fadhigaab maanta duhurnimadii, waxaana uu soo gaadhey gabal gaabkii" sidaa waxaa u sheegay HOL Cali Xuseen oo ku sugan magaalada Gar-adag oo 16Km. u jirta Fadhi-gaab.

Ciidmada Somaliland iyo masuuliyiinta Gobolka Sanaag ayaa gaadhey deegaanka si ay u xakameeyaan colaada labada beelood oo soo noqnoqotay sanado badan, xalkii u danbeeyeyna bishii aan soo dhaafnay la soo gabagabeeyey.

Dadka degaanadaasi ku dhaqan ayaa la sheegayaa in ay dhiilo colaadeed hortimi iyadoo magaalooyin badan ay wada degaan iyadoo mararka ay colaadan oo kale dhacdana ay si siman uga bilaabmaan colaadu, inkasta oo dadaal la sheegay in ay wadaan waxkaradka dadka degaanadaasi wada dega.

Isu ciidansi xoogleh ayaa ka soconaya degaankaas shaqaaqadu ka dhacday waxse la eegayaa awooda ciidan ee kala dextaagan labada dhinac sida ay ugu mitidaan ilaa waaberiga hadii Alle idmo.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool