4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 4 , 2018
Xildhibaannada oo intooda badan aan gudaha u galin xarunta Golaha Shacabka

 

Arbaco, April, 04, 2018 (HOL)-Wali waxaa ka jirta xarunta cakirnaan ah xarunta Golaha Shacabka oo maanta lagu waday xildhibaannadu ku yeeshaan kulan ka dhan ah mooshinka guddoomiyaha Baarlamaanka Prof Maxamed Cismaan Jawaari.

Xildhibaanno kala duwan oo aan la hadalnay ayaa inoo sheegay in inta badan xildhibaannada lagu celinayo meel dibada ka ah gudaha xarunta, arintaa oo ka danbeysay amar ka soo baxay sida ay xildhibaannada qaar sheegeen wasaaradda Amniga.

Gudaha xarunta ayaa la sheegay in ay ku sugan yihiin xildhibaanno aan ka badneyn 30 xildhibaan oo aroor hore saakay tagay halkaa.

Goobta waxaa ku sugan guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Jawaari iyo alaalo xoog leh oo la socta, lama oga ilaa iyo hadda in Cabdiwali Muudeey ku sugan yahay xarunta iyo in kale.

Marka aad eegto sida ay hadda wax socdaan waxaa loo maleynaa in uu hakad ku yimaado kulankii maanta la filayay in uu qabsoomo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]