4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2018
Guddiga Amaanka Qaranka oo shirkoodii todobaadlaha ahaa ku leh Xarunta Villa Soomaaliya

 

Talaado, April, 03, 2018 (HOL) - Kulankan oo uu shir gudoominayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa diirada lagu saarayaa sida ay inoo xaqiijiyeen ilo ku dhaw dhaw Madaxtooyada Arrimaha Amaanka magaalada Muqdisho oo maalmihii ugu dambeeyay ay falal sii xumaanayay.

Guddiga Amniga Qaranka oo ka kooban Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Gaashaandhigga, Cadaaladda, Gudoomiyaha Gobolka Banadir iyo Taliyayaasha Ciidamada ayaa la filayaa in ay soo saaraan Qodobo ku aadan Amniga magaalada Muqdisho.

Shirkan oo todobaadkiiba mar ay yeeshaan guddigan ayaa todobaadyadii ugu dambeeyay sida la sheegay u baaqday arrimaha Khilaafka Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo algu mashquulay.

Ugu dambeentii Kulanka Guddiga Amniga Qaranka ayaa waxaa laysku dhaafsado xogaha la xiriira dhinaca ammaanka iyo howl galada walow aan laga soo sarin warbixino iyo go'aamo.

Ilyaas Axmed Cilmi, Hiiraan Online
Mogadishu, Somalia