4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2018
Uganda oo sheegtay in Al-shabaab soo weerari karin Kampala

 

Talaado, April, 03, 2018 (HOL) - Dowladda Uganda ayaa ku gacanseyrtay in Al-shabaab awood u leeyihiin in ay weerareen magaalada Kampala ee dalka Uganda sida uu sheegay afhayeen u hadlay militariga dalkaas Brigadier Richard Karemire.

Afhayeenka ayaa sheegay in caasimada Uganda ay tahay nabad iyo meel amaan ah, islamarkaana Al-Shabaab aysan haweysan Karin in ay kus oo qaadaan Weerarro.

Al-shabaab ayuu sheegay in doonayaan oo kaliya in ay qalqalgeliyaan Ammaanka Shacabka kunool Kampala, islamarkaana ciidamada Booliska ay marwalba la socdaan qorshayeyaasha Al-Shabaab ee ku wajahan Uganda.

“Markaan sii wadno inaan ku baroorto geerida afarteenna askari ee AMISOM, shacabka waxaan u xaqiijinaynaa in aysan jirin wax weerar ah oo lagu qaadi karo Kampala” ayuu yiri Brigadier Richard Karemire.

Karimire ayaa sidoo kale meesha ka saaray in Al-Shabaab 50 askari oo ka tirsan ciidamada Uganda ay ku dileen weerarkii ka dhacay degaanka Buulo-Mareer.

Waxaa uu ugu dambeyntii xusay in ay sii waddi doonaan ciidamada dowladda Uganda howlgalka ay ka waddaan Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa dhawaan weerar culus ku qaaday Saldhig ay lahaayeen ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM, kuwaa soo ku sugnaa degaanka Buulo mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]