4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2018
Khilaafka guddoonka Golaha Shacabka Soomaaliya oo wali taagan

 

Talaado, April, 03, 2018 (HOL)–Inkastoo madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Sabtidii aynu soo dhaafnay uu dib u dhigay kulan ay yeelan lahaayeen xildhibaannada Golaha Shacabka kaddib khilaaf xoog leh oo soo kala dhaxgalay xildhibaannada, haddana dhinaca kale waxaa wali muuqanaya in uu jiro khilaaf u dhaxeeya guddoonka sare ee Baarlamaanka.

Maalintii shalay guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Cabdiwali Muudeey ayaa qoraal uu soo saaray shaqadii uga joojiyay xoghayaha guud ee Barlamaanka, halka qoraal ka soo baxay xafiiska guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof Maxamed Cismaan Jawaari lagu sheegay in shaqo ka joojintaa tahay mid sharci darro ah oo aan waxba ka jirin.

Qoraalladan iyo eryada labada dhinac ay warbaahinta isku marinayaan ayaa loo arki karaa mid meesha ka saari karta dadaallada madaxweynaha uu ku doonayo in lagu xaliyo khilaafka Golaha Shacabka oo noqonaya culuskii siyaasadeed ee ugu weynaa ee soo wajaha dowladda mudaddii sanadka ahaa oo ay jirtay.

Dhinaca kale qaar ka mid ah xildhibaannada mooshinka ka keenay guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa sheegay in wali uusan meesha ka bixin mooshinka.

Dad badan ayaa qaba in ay yar tahay rajada laga qabi karo in Baarlamaanku mar kaliya wada jir dib ugu midoobo kulamadiisii caadiga ahaa, maadama khilaafka guddoonka iyo xildhibaannada la kala safan uu gaaray heerkiisii ugu sareeyay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]