4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 3 , 2018
Soomaalidda Columbus oo dhaqaalo ugu deeqay isbitaalo laga dhisayo goboladda Sanaag iyo Cayn


Talaado, April, 03, 2018 (HOL)–Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Columbus Ohio ayaa sameeyay kulan dhaqaalo loogu aruurinayay Isbitaalo loo dhisayo Hooyadda iyo Dhalaanka ee magaalooyinka Widhwidh iyo Awrboogays ee goboladda Sanaag iyo Cayn.

Waxaa kulankan ka soo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshadda sida, Culumada, Ganacsatada, Aqoonyahanka, Ardayda iyo qeybaha bulshada oo dhan, waxaana hadalo aad looga murgo iyo xaalada ay ku suganyihiin hooyooyinka iyo caruurta magalooyinkaasi soo bandhigay Gabdho Soomaaliyeed oo barnaamijkan Hormuud u ahaa.

Hooyada iyo dhalaanka ayaa ku sugan xaalado aan indhaha laga qabsan karin oo caafimaad daro iyo daryeel la'aan dhanka caafimadka ah gaar ahaan xiliga uurka iyo waqtiga dhalmada oo ay aad murugsantahay xaalada hooyada oo aan biloowga uurka helin daryeel caafimaad taas oo sababata in ay isku dhintaan ama ay dhimato kadib marka ay dhasho.

"Mahan wax indhaha laga qabsankaro waa wax muddan in aanu iska kaashano sidii aanu dadkaasi u caawin lahayn"  ayay tiri Fowzia oo ah gabadha ururkeedu hurmuudka u yahay howshan.

Waxaa muxaadaro ku aadan qiimaha sadaqada ka soo jeediyay Sheekh aadan & Sheekh Horsed oo dhamaan dadka ku booriyay in ay walaalohood ku sadaqeystaan isna garab taagaan.

Waxana biloowday dhaqaalo aruurin markii danbe guul ku dhamaatay oo ay dadkii meesha ka soo qeybgalay ku deeqeen dhaqaalo dhan 72,66 doolar.

Ururka Fowzia Foundation oo ah ururka howshan wada ayaa horay dhaqaalo aruurin nocan ah uga sameeyay magaalooyin kale oo ku yaal dalka Mareykanka halka ay kuwo kale u balansanyihiin.

In la hirgaliyo labaddan Isbitaal waxay qeyb ka qaadan doontaa in la bad baadiyo Hooyooyinka iyo Dhalaanka Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinkaasi

Deeqo Shire (SONNA)