4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Apr 20, 2018
Wasiir Beyle : Bankiga Aduunka iyo IMF waxaa ay ku qanceen qaabka maamulka maaliyadda

 

Jimco, April, 20, 2018 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ka qayb galay shirka looga hadlayay taakulaynta iyo cafinta deymaha Soomaaliya ee ku soo dhamaaday Washington DC ayaa rajo ka muujiyay iyo natiijooyinka ka soo baxaya.

Wasiir Beyle oo kulamo gaar gaar ah la yeeshay madaxda Bankiga Adduunka, hay’adda IMF iyo masuuliyiintii kale ee shirka ka soo qayb gashay ayaa sheegay inay ku qanceen habka ay Soomaaliya u maareeyso dhaqaalaha kooban ee soo gala dalka.

“Shirka aan la qaadannay Bankiga Adduunka iyo IMF waxaa ay aad ugu qanceen qaabka maamulka maaliyadda, waxeyna noo ballan qaadeen in ay naga caawin doonaan arrimaha deynta” ayuu yiri wasiir Beyle.

Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa intaa raaciyay inay dowladda Soomaaliya ka go’an tahay inay ku shaqayso hufnaan iyo aragti fog, wuxuuna ballan qaaday inay Wasaaradda Maaliyaddu laba laabi doonto dedaalladeeda ku aaddan kobcinta dhaqaalaha dalka si beesha caalamku u aaminto.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka mahad celinayso shirkan oo ku qotoma bilawgii dayn cafinta Soomaaliya ee ay la gashay IMF taas oo ku dhiiro gelinaysa wadamada deeq bixiyayaasha iyo hay’adaha dhaqaalaha ee Aduunka in ay garab istaagaan Soomaaliya si loo xaqiijiyo yididiilada dalka uu ugu jiro hanashada hawlaha qaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]