4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 2 , 2018
Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo u diray ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya

 

Isniin, April, 02, 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khadka Taleefanka ugu hambalyeeyay ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo maanta oo Isniin ah loo dhaariyay xilka.

“Waxaan u xaqiijiyay in aan ka dhabeyno xiriirkeena labada dal si kor loogu qaado ganacsiga,maalgashiga iyo in la xoojiyo amniga gobolka,waxaana shaki ku jirin in ra’iisal wasaare Abiy Ahmed xoojin doono wada shaqeynteena,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya mar uu khadka Taleefanka kula hadlay ra’iisal wasaaraha cusub ee Itoobiya.

Baarlamaanka Itoobiya ayaa ra’iisal wasaare u doortay Abiy Axmed,waxaana mar uu maanta ka hadlayay munaasabadda xilka loogu dhaarinayay sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay in ay Eritrea kala shaqayso sidii loo xalin lahaa muranka u dhaxeeya labada dal,iyada oo loo marayo wadada wada xaajoodka.

Bishii March 27, 2018, Xisbiga haya talada dalka Itoobiya ayaa Abiy Axmed u doortey in uu noqdo guddoomiyaha xisbiga kaddib markii uu xilka iska casiley ra'iisal wasaarihii Hilamariam Desaglen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]