4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 2 , 2018
Shaqaale ku dhintay darbi ku soo dumay magaalada Muqdisho Sawirro

Isniin, April, 02, 2018 (HOL) – Ugu yaraan saddex ruux ayaa la xaqiijinayaa in ay ku dhinteen darbi ku soo dumay dhismaha Mall laga hergalinayo Agagaarka KM4 magaalada Muqdisho.

Shaqaalahan ku howlanaa dhismaha mid ka mid ah darbiyada Mall-kan ayaa mar kaliya waxaaa ku soo dumay darbiga taasoo keentay in ay halkaa ku nafwaayeen, sidoo kale waxaa jira qaar ka mid ah shaqaalaha oo wali la tuhusan yahay in ay ku hoos soo jiraan dhagaxyada iyo bacadka is dul-barkaday.

Wariyayaasha Hiiraan Online oo markiiba gaaray goobta ayaa arkay meydka qof ka tirsan shaqaalaha halka sidoo kale loo xaqiijiyay in goobta laga qaaday labo kale oo isla shaqaalaha ka tirsanaa oo iyaguna dhintay.

Guddoomiyaha degmada Hodan Maxamed Axmed Cantoobo oo wariyayaasha kula hadlay goobta shilku ka dhacay oo ah Ex Shaleemadii hore ee Ikwatoore KM4 ayaa sheegay in dhimashada shaqaalaha ilaa iyo hadda la ogyahay gaarayaan saddex ruux.

Goobta waxaa jooga ciidamada Booliiska dowladda Soomaaliya iyo shaqaalaha gurmadka deg deg ah, ku waa oo baadi –goob ugu jira bal haddii ay jiraan wali shaqaale kale oo ku hoos jira dhismaha dumay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]