4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 2 , 2018
Uganda oo sheegtay in 22 ka tirsan Al-shabaab ku dileen weerarkii shalay ka dhacay Buula-Mareer

 

Isniin, April, 02, 2018 (HOL) – Saraakiisha ciidamada difaaca Uganda ayaa sheegay in Ciidamadooda ay dileen 22 ka tirsan dagaalyahannada ururka Al-Shabaab, kadib dagaal shalay barkhadii ka dhacay degaanka Buula Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Waxaa ay sheegeen in labo ruux oo ismiidaamiyayaal ah gadiid ku soo weerareen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamadooda deegaanka Buula-Mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha ciidamada Uganda ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid aad u xoogan, islamarkaana uu ahaa weerar ay kol horeba ciidamadooda ka war hayeen.

Wuxuu talisku sheegay in weerarka looga dilay Afar Askari, Lix kalena looga dhaawacay, dhanka Shabaab ayuu tilmaamay in ay ka dileen ilaa 22 dagaalyahan, kadib warbixin uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters.

“Siddeed ka mid ah gawaaridooda oo ay ku jiraan laba gaari oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa la bur buriyay, sidoo kale Qoryaha dagaalka ayaan kala wereegnay, khasaaraha dhimasho ee aan wuxuu ahaa mid aad u xoogan.” Ayaa lagu yiri qoraalka ay bixiyeen.

Soomaaliya waxaa ku sugan Ciidamo ka tirsan Midowga Afrika ee AMISOM, oo ka kala socda dalalka Uganda, Burundi, Itoobiya, Kenya iyo Jabuuti, waxayna ciidamada dowladda ka caawiyaan dagaalka ka dhanka ah ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]