4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 2 , 2018
Faah faahin ku saabsan duqeymo lagu dilay saraakiil ka tirsanaa Al-shabaab oo ka dhacay Ceel-Buur

 

Isniin, April, 02, 2018 (HOL)-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxay duqeyn culus oo lagu beegsaday saraakiil ka tirsan Ururka Al-shabaab oo ku sugnaa deegaan hoostaga degmada Ceel-Buur ee gobolka Galguduud.

Guddoomiyaha degmada CeelBuur Nuur Xassan Guutaale oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeyntan oo ka dhacday deegaan lagu magacaabay Dac lagu dilay saraakiil ka tirsan Al-shabaab iyo shaqsiyaad Al-shabaab u qaabilsanaa sida uu hadalka u dhigay dhinaca guubaabada iyo kicinta bulshada.

Diyaarad loo maleynayo in ay tahay nooca Drone-ka ayaa bartilmaameesatay gaari ay la socdeen xubnaha ka tirsan Al-shabaab, waxaana goobta ku dhintayay saraakiil iyo shaqsiyaad isugu jiray odayaal iyo Abwaanno ka tirsanaa Al-shabaab.

Dadka dhintay ayaa sidoo kale lagu waramayaa in ay ka mid aheyd haweeney ka tirsaneyd Al-shabaab.

Tirada guud ahaan xubnaha ka tiranaa Al-shabaab ee ku dhintay duqeynta ayaa gaaraya 11, waana duqeyntii ugu horeysay ee nooceeda ah oo ka dhacda Galgaduud.

Al-Shabaab oo dhinaccooda ka hadlay duqeynta ayaa sheegay in lagu dilay saddex ruux oo rayid ah oo sida ay hadalka u dhigeen isugu jiray odayaal iyo Abwaanno.

Gobolka Galgaduud ayaa ka mid ah deegaannada ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, waxaana degmada Ceelbuur lagu tilmaamaa in ay tahay saldhigyada Al-shabaab ugu weyn, inkastoo sanadkii hore ay dib ula wareegeen, markii ciidamada Itoobiya isaga baxeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]