Golaha Wasiirada oo ka wada hadlay qodobo ay ka mid yihiin xiliga kala guurka ee ciidamada AMISOM
Khamiis, April, 19, 2018 (HOL) - Shirkii Caadiga
ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga
hadlay Hubinta Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda, Xaaladda kala guur
ee ciidamada AMISOM. Sidoo kalena waxaa lagu ansixiyay Tubta
Arrimaha Bulashada iyo xeer Mamnuucya jarista dhirta iyo dhoofinta Dhuxusha,
iyada oo warbxino kala duwan laga dhagaystay qaar ka mid ah Wasiiradda.
Ugu horayn madaxda Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa
gollaha ku soo bandhigay warbixin ku saabsan xaaladda amni ee dalka gaar ahaan
caasimadda Muqdisho, waxayna sheegayn in ammaanku uu meel fiican marayo
ciidamaduna ay ku howlan yihiin sidii loo sii xoojin lahaa dar-dargalinta
nabadda.
Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Soomaaliya Mudane
Saalax Axmed Jaamac, ayaa ka warbxiyay barnaamij lagu tiro koobaya shaqaalaha
Rayidka ah ee dawladda, kaas oo fududayn doona la socodka iyo horumarinta
xirfadeed ee shaqaalaha.
Waxuuna Wasiirku tilmaamay in tirokoobka laga
bilaabayo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ka dibna loo gudbayo dhammaan
Wasaaraddaha iyo hay’addaha kale ee dawladda.
Wasiir Saalax ayaa cadeeyay in shaqaalaha loo
qaybin doono labo hab oo kala ah shaqaalaha ka diiwaan gashay Gudigga shaqadda
iyo shaqaalaha ee dawladda iyo shaqaalaha ku meel gaarka ah ee aan u diiwaan
gashanayn dawladda, si loo helo xog dhamaystiran oo ku saabsan shaqaalaha.
Ugu dambayntii Gollaha Wasiiradda ayaa ka dooday
ansxinta Tubta siyaasadda ee Arrimaha Bulashada oo ay ku midaysan yihiin
dhammaan hay’adaha dawladda iyo xeer mamnuucaya jarida dhirta iyo dhoofinta
dhuxusha, dood iyo falanqayn dheer ka dib gollohu waxuu isla gartay in la
ansixiyo labadan Hindise Sharci oo baahi badan uu dalku u qabo.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]