Talaado, April, 17, 2018 (HOL)–Danjiraha midowga Africa u fadhiya Soomaaliya ayaa Isniintii ku dhawaaqay dadaaalo adag
oo la doonayo in looga hortago qatarta wax-yaabaha qarxa ee ku wajahan
ciidamadda amaanka iyo shacabka Somaaliyeed intaba.
Francisco Madeira, madaxa howlgalka AMISOM ayaa
ka sheegay furitaanka shirkii Afraad ee Labo sanadle ah oo looga hadlo ka
hortagga qaraxyadda in isticmaalka ay qatar weyn ku keeneen Xasiloonidii
wadanka.
“Sida ugu wanaagsan ee looga adkaaan karo wax-yaabaha
qarxa waa in siyaasadeennu saxan tahay, waxba maahan
inta techoolojiyad ee la howl-galinayo, waxaan u baahan doonaa in qof kasta uu
doorkisa ciyaaro ayuu yiri” Madeira, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo
saray howlgalka AMISOM.
Waxaa uu ku booriyay Militry-ga booliiska iyo
dowladdu in ay is-kaashadaan, si looga hotago isticmaaalka aaan kala sooca
lahayn ee Qraxyadda.
Shirkan oo howlgalka AMISOM uu soo qaban qaabiyay
ayaa waxaa looga golleeyahay in la kordhiyo awoodda ciidamadda Soomalida iyo
kuwa AMISOM ay u leeyihiin in ay si
buuxda uga hortagaan hubkan.
Madeira waxaa uu adkeeyay muhiimadda ay leedahay
sirdoon adag iyo xogta oo la wadaago iyo in si dhow shacabka loola shaqeeyo.
Howlgalka midowga Africa waxaa uu leeyahay
Al-shabaab ayaa si adag u isticmaalay Waxyaabaha Qarxa si ay u dilaan ciidamo
iyo shacab.
Wadooyinka ay ciidamadda isticmaalaan ayaa ah
meelaha ugu badan ee miinooyinka qarxa ay qasaaraha ka geystaan, halaka mararka
qaarna ay Al-shabaab gawaari u adeegsadaan weerarro qaraxyo ah.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]