Sabti, April, 14, 2018 (HOL) – Madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa
saakay u ambabaxay magaaladda Dammaam ee dalka Sucuudiga, halkaas oo uu ka
furmi doono Shirka 29-aad ee Madaxda waddamada ku mideysan Ururka Jaamacadda
Carabta.
Shirkan waxaa diirradda lagu saarayaa qadiyadda
Falastiin, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xiisadaha ka taagan dalalka
Suuriya, Yamen iyo Liibiya, iyadoona madaxda carabtu ay si qoto dheer uga doodi
doonaan xal u helista dhibaatooyinka ka jira dalalka xubnaha ka ah ururka
Jaamacadda Carabta.
“Madaxweyne Farmaajo waxa uu khudbad ka jeedin
doonaa shirka, isagoona Madaxda kale ee waddamada Carabta la wadaagi doona
xaaladaha siyaasadda, ammaanka iyo horumarka ka socda dalka” ayuu yiri
Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Cabdinuur Maxamed Axmed.
Horrey waxaa ugu sugnaa dalka Sucuudiga wafdi uu
hoggaaminayay Wasiirka arrimaha dibadad Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo hordhac u ahaa wafdiga
Madaxweynaha, sidoo kalana ka qeyb galayay shir wasiirrada arrimaha dibadda ee
Jaamacadda carabta oo khamiistii ka furmay magaalada Riyaad, laguna
qorsheynayey ciwaannada Shirka 29aad ee Madaxweynayaasha.
Madaxweyne Farmaajo ayaa inta shirkan uu socdo
waxa uu shir-doceedyo la yeelan doona madaxda qaar ee shirka ka qeybgalaya,
iyagoona ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka, iskaashiga iyo danaha guud ee
kala dhaxeeya dalalkaas Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]