4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2018
Waa Maxay Xagjireeyn sideese looga hortigi karaa Video?

Khamiis, Aprril,  12, 2018 (HOL) –Inbaddan oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed kuwa ku nool qurbaha iyo gudaha Soomaaliya waxay la kulmaan caqabado ka dhasha dhanka fikirka gaar ahaan marka loo eego dhanka Diinta.

Waxa ay qaarkood saxiib la noqdaan kuwo si dhab ah noloshooda cadow ugu ah islamarkaana u horseeda mustaqbal l'aan iyo in ay galaan albaabkii nolohooda ku soo xirmi lahayd, kaas oo taariikh xun ku reeba qoyskiisa iyo asxaabtiisa kuwooda wanagsan.

Dhalinyaro baddan ayaa iyaga oo aan cilmi buuxa u lahayn arimaha diinta si qaldan looga raaridaa qodobo u muujinaya in ay yihiin kuwii ay janada ku gaari lahayeen ama ay ku heli lahayeen liibaan aduun iyo mid aaqiro, lakin taas badalkeeda waxa ay la kulmaan dhibaato aysan marnaba ka lug bixi karin.

Arimaha xagjireeynta dhalinyarada waa mushkilad meel walba ku haysata dhalinyarada Soomaaliyeed, waxaana tusaale kuugu filan dhalinyarada ku jirta xabsiyada dalka Mareykanka waxaa ka mid ah kuwo loo xiray arimo la xariira xagjirnimo aysan cilmi u lahayn islamarkana aysan wax ficil ah ayaga oo aan samayn la helay xogtooda deetana ay ku muteen xabsi iyo ciqaab, hadii aad wax ka weydiiso sababata loo xiray si fiican uma sharixi karaan maxaa yeelay waa wax aan iyaga ka imaan ee maskax kale ay adeegsatay.

Dhalinyarada maalin walba qaraxyada ka sameeya dalka Soomaaliya ee uu arka in ay jano ku galayaan in ay dilaan ama laayaan kumannaaan dad ah oo aan waxba galabsan waa astaan kale oo muujinaysa xadiga xagjireeynta.  

Haddaba waxa is weydiin mudan Waa maxay xagjirnimo? Sidee looga hortagi karaa? muxuu yahay doorka waalidiinta? Culumadu ma qaataan kaalintooda ku aadan in laga hortago xagjirnimada, diintuse maxay ka qabtaa? dhaman waa Su'aalo ay is weydiin karaan dadka caqliga u saaxiibkaa.

 Waxaan asbuucan arimahan wax ka weydiinay Sheekh Horseed Nuux oo ah nin dhalinyaraa oo aqoonyahan ah isla markaana ku nool Magaalada Columbus Ohi, waa Afhayeenka gudiga Masaajida Somaalida Ohio wana agaasimaha Masjidka weyn ee abubakar Sadiiq ee isla Columbu.

 Deeqo SONNA