Madaxweyne Farmaajo oo ka qeybgalay xuska Aas-aaskii ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed
Khamiis, Aprril, 12, 2018 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi
Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil-Xigeennada, Aliflayda,
Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee ciidamada xoogga dalka iyo
qooysaskooda oo maanta ay ku beegantahay sannad guuradii 58-aad ee ka soo
wareegtay markii la asaasay.
Madaxweynaha oo kala qeybgalay munaasabadda xuska
maalintan cutubyo ka tirsan ciidamada xoogga ayaa sheegay in si dardar leh ay u
socdaan howlaha dib u dhiska ciidanka, tallaabooyin muuqdana loo qaaday isku
dhafka ciidammada, dib u habeynta hannaanka maaliyadda iyo howl-gelinta.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in
dadaalladaas dib u dhiska ah ay barbar socdaan guulo ay ciidanku ka gareen
dagaalka lagaga sifeynayo dalka argagixisada Al-shabaab.
“Muddadii ugu danbeysay ee aan ku shaqeynaayey
Wasaaradadda Gaashaandhigga, waxaan ku guuleysannay in aan dib u saxano diiwaan
gelinta dhammaan askarta, iyadoona loo sameyeeyey mid kasta fayl u gaar ah oo
ay ku qoronatahay xog kasta oo ku saabsan askarigaas, taas oo aan horey u
jirin.”
Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in lagu
kordhinayo qeybaha ciidamada xooga dalka cutubyo ku takhasusay dagaalka
melayshiyaadka, taas oo ka tarjumaysa qorshaha dowladda ee ku aaddan xoreynta
deegaannada ay gacanta ku hayaan argagixisada Alshabaab.
Madaxweynaha ayaa faray ciidamada xoogga dalka in
ay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciribtirka
musuqmaasuqa iyo qabyaaladda oo labaduba dib dhigay dowladnimada iyo horumarka
dalka.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay
dowladaha iyo ururrada caalamiga ee garab taagan Ciidanka Xoogga Dalka,
isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay taageero buuxda siiyaan
ciidankooda, dadaal muuqdana ay ku bixiyaan xoreeynta dalka.
Munaasabada ayaa waxaa sidoo kale ka qeybgalay
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed
Mursal Sheekh, Xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlmaanka, Taliyaha Ciidanka
Xoogga Dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), Taliyaha Ciidanka
Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Booliska
Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Mudane Xuseen
Cismaan Xuseen iyo qaar ka mid ah Danjirayaasha ka hawl galo dalka.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]