4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2018
Daaweyn lacag la’aan ah oo loo sameeyay in ka badan 300 oo carruur Agoon ah


Khamiis, Aprril,  12, 2018 (HOL) – Hay’adda khayriga ah  ee Kalkaal Hospital Foundation  ayaa baaris iyo Talaalka Hepititis B u sameysay tiro ka badan 300 oo carruur agoon Soomaaliyeed ah oo ku jira qaar ka mid ah dugsiyada waxbarashada gobolka Banaadir, gaar ahaan dugsiyada Axmed Gurey iyo Maxamuud Xarbi.

Maamulka Kalkaal Hospital Foundation Dr Cabduqaadir Faarax Maxamuud ayaa warbaahinta u sheegay in ay tallaabadan ay u qaadeen kaddib markii ay ogaadeen baahida ay u qabaan carruurtan agoonta ah in ay hellaan daaweyn lacag la’aan ah.

Waxaa uu sheegay maamulka in uu sii wadi doono tabarucaadan caafimaad oo ay u sameynayaan bulshada qeybaheeda kala duwan gaar ahaan dadka ka soo jeeda qoysaska danyarta ah.

Waxaa jira qaliino lacag la’aan ah oo ay horay u fuliyeen oo lagu sameeyay waxaana ka mid ah qaliinada ay horay u sameeyeen boqolaal dadka faruuran ah oo loo sameeyay qaliin toliin ah kuwaa u badnaa carruur iyo gabdho da’doodu aad u yar tahay.

Sidoo kale maamulka Kalkaal Foundation ayaa sheegay in dhawaan dalka soo gaari doonaan dhakhaatiir u dhalatay dalka India oo la filayo in ay bulshada Soomaaliyeed uga faa’ideystaan howlihii caafimaad ee markii hore loo aadi jiray dalka dibadiisa.

Magaalada Muqdisho waxaa ku nool qoysas badan oo danyar ah iyo carruur ku agaantoobay dagaalladii dalka ka dhacay kuwaa oo mar walba u baahan in la gargaaro.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]