4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2018
Magaalada Beledweyne qof u dhintay darbi ku soo dumay Sawirro

 


Khamiis,, April, 12, 2018 (HOL) –Inta la xaqiijinayo hal qof ayaa ku dhintay darbi ku soo dumay xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne gaar ahaa suuqa lagu kala iibsado xoolaha.

Wariye Maxamed Cabdi Saney ayaa Hiiraan Online u sheegay in qofkan dhintay uu ka mid ahaa shaqaalaha rara xoolaha laga safriyo magaalada, halka dad kalana ay ka soo gaareen dhaawacyo kala duwan.

Dadka ku dhaawacmay darbigan ku soo dumay ayaa la dhigay xarumaha caafimaad ee ku yaala magaalada Baladweyne si loola tacaalo xaaladooda caafimaad.

Qofka dhintay iyo dadka dhaawacmay ayaa la sheegay in ay ku soo shaahayeen darbiga soo dumay ahaa mid dhagax ka sameysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]