4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 12, 2018
Anwar Gargash : Dowladda Soomaaliya waxaa ay abuureysaa xiisad aan loo baahneyn

 

Khamiis,, April, 12, 2018 (HOL)–Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta  Anwar Gargash ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay abuurtay xiisad aan loo baaheyn, kaddib markii axadii la soo dhaafay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho lagu qabtay mid ka mid ah diyaaradaha Imaaraadka Carabta oo siday lacago mallaayiin doollar ah.

Waxaa uu ku eedeeyay dowladda hada jirta inay sameysay xadgudubyo heshiisyadii iyo is fahamkii ka dhaxeeyay Imaaraadka Carabta.

“Xukuumadda Soomaaliya ee xilligan waxa ay ku sameysay xadgudubyo badan hababka iyo isfahanno hore oo sal adag oo ay la gashay dowladda Imaaraadka, waxaa ay abuurtay caqabado aan loo baahnayn in loola bareero saaxiib iyo isbaheysi u istaagay deganaanshaha iyo ammaanka Soomaaliya xilli aad u xun, waxaa aan ugu baaqeynaa in garaadka iyo caqliga uu shaqeeyo”ayuu yiri Anwar Gargash qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka

Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in diyaaradii lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho Axadii la soo dhaafay ay siday lacag gaareysa $ 9.6 milyan, oo loogu tala galay Ciidamada Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baareyso halka lacagta u socotay, meesha ay ka timid iyo danta laga lahaa, iyadoo lacagtaas oo saddex boorso ku jirtay la geeyay Bankiga Dhexe.

Xiriirka labada dal oo bilihii la soo dhaafay waxooga mugdi ku jiray ayaa hada meel xun gaaray, waxaana xiisad diblomaasiyadeed ay sii xoogeysatay, maalintii Axadii, xilligaasoo diyaarad Imaaraadka Carabta laheyd oo lacag waday lagu qabtay garoonka, waxaana tallaabadaas cambaareysay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]