4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 11, 2018
Wasaaradda Amniga oo beenisay in ay jiraan haween cirbado ku weerara darawalada Mooto Bajaajka

 

Arbaco, April, 11, 2018 (HOL) – Afhayeenka Wasaaradda Amniga gudaha Cabdicasiis Xildhibaan oo a soo xiriiray Hiiraan Online ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay weerar maalmihii ugu danbeeyay leysla dhaxmarayay oo ka hadlaya in ay jiraan haween Soomaaliyeed oo cirbado ku mudaya darawalada ku shaqeysta gadiidka yaryar ee Mooto Bajaajka.

Warka ka soo baxay Wasaaradda Amniga ayaa u dhignaa siddan :

Wasaaradda amniga gudaha markii ay baaritaan ku sameysay iyada oo kaashaneysa hey'adaha u xilsaaran dabagalka iyo baaritaannada waxay ku ogaatay in arrimaha ku saabsan in gabdho Soomaaliyeed lagu soo ashkateeyay in ay CIRBADO sumeysan ku dureen dhallinyaro ka mid ah wadayaasha gaadiidka loo yaqaano BAJAAJKA.

Haddaba annaga oo gudaneyna waajibaadka naga saaran ilaalinta sharafta iyo karaamada shacbga Soomaaliyeed iyo sumcadda gabdhaha waxaan u xaqiijineynaa in aanan ka oggolaan doonin ficillada ay ku kacayaan wiilasha wadayaasha ka ah gaadiidkaas si ay wax u yeelaan magaca gabdhaha Soomaaliyeed.

Waxaan idiin xaqiijinayaa in labadii dhacdo ee toddobaadyadii la soo dhaafay baaritaanno aan ku sameynay aan haba yaraatee ku weynay caddeymo lagu xaqiijin karo arrimahaas, waxaana ku ogaannay in ay tahay arrin khalkhal lagu galinayo amniga iyo xassilloonida guud, cid kasta oo ka been abuurta gabar Soomaaliyeed baaritaannada socda ka dibna caddaaladda la horkeeni doono.

Waxaan ka codsaneynaa laamaha Warbaahinta ama sida gaarka ah loo leeyahay in ay ilaaliyaan sumcadda iyo sharafta gabdhaha Soomaaliyeed joojiyaanna baahinta wararka aan salka iyo raadka toona laheyn ee bulshada lagu marin habaabinayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]