4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 11, 2018
Wasiirka Gaashaandhigga : ciidamada ay tababaraan Imaaraadka waxey ka tirsan yihiin xoogga dalka Soomaaliyeed

 

Arbaco, April, 11, 2018 (HOL) -Wasiirka wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, ayaa wuxuu sheegay in ciidamada Imaaraadka tababarka ay siiyaan ay yihiin kuwa ka tirsan xoogga dalka Soomaaliya oo hoostagga wasaaradda gaashaandhigga.

Wasiirka wuxuu sheegay ciidamadaasi maalmaha soo socda dowladda inay la soo wareegi doonto, gaar ahaan 12-ka April oo ku beegan xuska ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in dowladda Imaaraadka uga mahad celinayaan tababarka ay siiyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee lagu tababaray xerada generaal Gordan.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo Bulshadda Soomaaliyeed ayaa dhawr jeer waxaa ay walaac ka muujiyeen ciidamada ay tababarto dowladda Imaaraadka carabta oo aan qaadan Amarka madaxda ciidamada Soomaalida laakiin ka amar-qaata dowladda Imaaraadka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]