Arbaco, April, 11, 2018 (HOL) - Hay’adda nabad-galyada dalka Kenya digay wararro
argagixiso oo ay geystaan dalkeeda Al-shabaab,
gaar ahaan magaalooyinka dhaca gobolka waqooyi Bari.
Kenya waxaa ay sheegtay in bilooyinkii la soo dhaafay ay ka hortaggeen weerarro
dhowr ah kaddib markii ay xog badan soo gudbiyen
hay’addaha ammaanka.
Dowladda ayaa sheegtay in ay jirto cabsi ku aadan weerarro ka dhaca magaalo
xeebeedyada dalka Kenya , halkaasi oo ay ku badan yihiin dadka ka yimaada
dalalka ka baxsan Kenya iyo sidoo kale magaalada Mandera oo xuduud la leh magaalada
Beled-Xaawo ee Soomaaliya.
Dowladda Kenya ayaa sidoo kale la sheegaya in ay heegan gelisay ciidamadeeda ku
sugan magaalo xeebeedyada dalkaas.
Sarkaal Sare oo u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in ay ka feejigan
yihiin weeraro ka yimaada Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaa dalka Kenya weerarro ku qaadayay tan iyo sanadkii 2011kii mar
ka soo ciidamada dowladda Kenya ay gudaha u soo galeen Soomaaliya.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]