Talaado, April, 10, 2018 (HOL) – Madaxweynaha Maraykanka
Donald Trump ayaa ballanqaaday "in uu awood" adeegsan doono marka uu
jawaabta ka bixinayo weerarka kiimikada ah ee la sheegay in in uu ka dhacay
dalka Suuriya, iyada oo reer galbeedku ay ka baaraan dagayaan jawaabta ay ka
bixin lahaayeen arrintaas.
"Waxaan noo bannaan qaabab badan oo milatari,"
ayuu ku yiri Trump oo saxafiyiinta la hadlaya, wuxuuna intaas ku daray in ay
go'aansan doonaan "wax yar ka dib".
Trump wuxuu sheegay in Maraykanku "sawir
wanaagsan" ka helayo cidda ka dambaysay dhacdadii Douma ee Sabtidii.
Shaqaalaha caafimaadka ayaa sheegay in ay tobannaan ruux
ku dhinteen weerarkaas lagu eedeeyay in kiimikada loo adeegsaday, balse ay u
muuqato in aysan macquul ahayn in laxqiijiyo.
Trump ayaa sidoo kale arrintan kala hadlay madaxweynaha
Faransiiska Emmanuel Macron ammin dambe oo Isniintii ah, labada masuulna waxay
muujiyeen sida ay diyaar ugu yihiin in tallaabo "adag qaadaan".
Ra'iisulwasaaraha UK, Theresa May ayaa sheegtay in ay
"si buuxda u cambaaraynayso" falkaas "waxshinimada ah" ee
lagu eedeeyay in kiimikada loo adeegsaday, waxayna ku baaqday in arrintaas loo
qabsado dadka Bashaar Al-Asad taageera.
Xigasho BBC