4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 1 , 2018
Wararkii ugu danbeeyay weerar culus oo lagu qaaday saldhiga AMISOM ee Buula-Mareer

 

Axad, April, 01, 2018 (HOL) – Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in manta weerarro culus oo ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen gobolka Shabeellaha Hoose gaar ahaan degmada Buulo Mareer ku dileen 59 askari oo ka tirsan ciidamada AMISOM.

War ku lagu daabacay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in ay dileen tiro ka badan 59 askari oo u dhashay oo ka tirsan AMISOM halka dhinacooda ay sheegteen in ay ka dhinteen 14 dagaalayhan

Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ay weerareen illaa lix saldhig oo ay ciidamada AMISOM ku lahaayeen gobolka Sh/hoose gaar ahaan kuwa Uganda.

Weeraradan ayaa waxaa ay ka dhaceen Buulo Mareer,Golweyn,Danow,Marin Gubaay iyo Qoryooley hasse yeeshee illaa iyo hadda ma jiro wax war rasmi ah oo ka soo baxay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladaba.

Al-Shabaab ayaa ku xooggan deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoosee waxaana weerarka ay maanta qaadeen ku soo beegmayaa xilli toddobaadyadii la soo dhaafay ay dowlada federalka Soomaaliya ay sheegtay in ay dhamaystirtay qorshe lagu weerarayo deegaanada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Saraakiisha Gobolka ka tirsan maamulka gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in uu dagaalkaasi dhacay, islamarkaana uu jiro khasaare ka dhashay, laakiin ma aysan bixin faah faahin intaa dhaafsiisan

Laakiin dhinaca AMISOM wali ma jiro wax war ah oo ka soo baxay saraakiishooda oo ka hadlaya sheegashada Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]