4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 1 , 2018
Xaalad abaareed oo ka taagan qeybo ka mid ah gobolka Sool

 

Axad, April, 01, 2018 (HOL) – Xaalad adag ayaa laga sheegayaa barriga Gobolka Sool oo la sheegay in aanay mudo shan sano gaadhaysa roob hagaagsan.

"Dhulkii waa madoobaadey, ceelashiina waa gudheen xoolaha iska daa ee waxaa hada lala tacaalayaa nolosha dadka oo keel xun ayay maraysaa Illaahay baase noo maqan" sidaa waxaa HOL u sheegay Maxamed Jaamac oo ku sugan degmada Xuddun.

waxa kale oo uu intaas ku daray in haatan wixii xoolo iyo dadba booyado lagu waraabiyo, in dhaqaale ahaana dadku liitaan ayuu sheegay, rajose waxa uu Maxamed sheegay in cirku cusub yahay.

Degaanada sida  aadka ah looga dayrinayo ayaa waxaa ka mid ah dhulka Soolka ee  u dhexeeya degmooyinka Xudun, Taleex iyo gobolada Barri  ka xiga oo xiligan aanay muuqan wax reerguuraa ah soda uu Xuseen Cabdi u sheegay Hiiraan Online.

Degaano hoglo ka curteen ayaa la sheegayaa in ay dad badan isugu soo urureen reer guuraa badan, in laga qaado xanuuno, daaq La'aan iyo biyo La'aan.

Degaanadan oo u dhexeeya gobolada Sool iyo Sanaag, ayaa Xidig Maxamed Ismaaciil uu ku tilmaamay mid meeshii ugu adkayd maraysa " Xoolihii hogol ayay ku kulmeen cagtaana la mariyey waana hungoobeen"ayuu yidhi xidig.

Degmada Taleex oo ahayd dhulkii waqtiyada adag lagu baxsan jirey ayaa dooxooyinkii qaawan yihiin una ekaadeen ban aan daaq ka bixin.

Dhinaca Galneed ee gobolka Sool ayaa ka duwan dhinaca Nugaasha iyadoo sanadkii bore ay roobab wacani heleen taas oo xoolaha nool siiba Geela ay Ku baxsadeen.

Seynab Cabdi Warsame

[email protected]

Laascaanood G. Sool