4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 1 , 2018
Rag hubeysan oo xalay Muqdisho ku dilay guddoomiye Waaxeed

 

Axad, April, 01, 2018 (HOL) – Rag bastoolado ku hubeysan ayaa xalay ku dilay degmada Xamar-Weyne ee gobolka Banaadir Banaadir guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa degmada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Maxamud Macalin Xasan Fagaas oo ahaa gudoomiyihii waaxda Kacaan ee degmada Xamar Weyne uu u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray rasaas ay fureen rag hubeysan.

Kooxihii dilka geystay ayaa baxsaday,waxaana halkaasi soo gaaray ciidamada dowladda, kuwaa oo bilaabey baaritaano la xiriiray dilka.

Magaalada Muqdisho waayadii ugu danbeeyayba waxaa ku soo badanayay dilal qorsheysan oo ay geystaan kooxo hubeysan oo aan la garaneynin, balse inta badan dilalka lagula kaco mas’uuliyiinta ka tirsan dowladda waxaa sheegta Ururka Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]